Maxaa ka dhacay Shabeelaha Hoose?

0
34

Ilaa saddex Baabuur oo kuwa xamuulka ah, islamarkaana weday shixnado ganacsi ayaa lagu gubay agagaarka deegaanka Yaaqbiriweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Baabuurtaan oo ka baxay Muqdisho ayaa u kala rarnaa gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, waxaana gubay rag la sheegay in ay ahaayeen tuugo dhabba gal ah oo dadka safarka ah dhaca.

Mid ka mid ah ganacsatadii uu raranaa gaadiidka ayaa noo sheegay in baabuurtaan la gubay kadib markii darawaladii weday ay burcadda ka baxsadeen si aan loo furan.

Sidoo kale dableyda hubeysan ayaa la sheegayaa in ilaa 6 gaadiid iyo darawaladii weyday ay af duubteen kadibna ka qaateen lacag madax furasho ah oo dhan 8 kun oo dollar.

Dhinaca kale ku dhawaad 60 gaadiid oo nooca xamuulka ah iska markaana shixnado ganacsi u wado gobolada dalka ayaa haatan ku xayiran degmada Afgooye sababo la xiriiro amaanka waddada.

Gaadiidleyda ku safar waddada xiriiriso Muqdisho iyo gobolada Jubbooyinka, Gedo, Baay iyo Bakool ayaa dhibaato ku qaba Kooxo hab beeleed u abaabulan oo is baaro dhigto waddada.