Maxa laga ogyahay Asaarta qadiimka ah ee Somaliland?

0
206

Maxamed Cabdi Cali oo ah sahamiyaha waaxda Asaarta qadiimka ah ee Wasaaradda Gancasiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, ayaa ku baaqay in la sameeyo sharcigii lagu daryeeli Asaarta qadiimka iyo waxyaabaha astaamaha u ah raadadkii dadkii hore. Sahamiye Maxamed oo ka waramayey halka ay marayso hawsha Asaarta qadiimka waxa uu ku booriyey bulshada iyo dadka aqoonta lehba in lagu baraarugo wax ka qabshada iyo ilaalinta goobaha Asaarta iyo raadadka taariikheed.

Maxamed oo u waramayey warbaahinta waxa uu hadalkiisa ku billabay “Tan iyo sanadkii 1993 ayaan ku jiraa hawsha sahaminta Asaarta qadiimka ah ama Archeology-ga ee dalkeena, Ilaahay mahadii maanta waxaan maraynaa meel caalamku ina barto. waxaynu leenahay dhammaan qaybaha kala duwan ee Asaarta oo dhan. Sida sawir gacmeedyada faca weyn ee loo yaqaano Rock Arts ee ku xardhan buuro, dhagxaan iyo godad kala duwan oo laga heli karo buuraha Silsillada Golis, Magaalooyin gaboobay oo jiray xilligii Islaamka iyo ka horba oo ku filiqsan dalka oo dhan, Xabaalo kala duwan oo ka turjumaya ilaa 44 qaab oo wax loo Aasi jiray oo uu ugu danbeeyaan qaabka xilligii Islaamku yimi. Xabaalahaas waxay tusayaan Fac-weynida dhulkan iyo sida ay u fog tahay wakhtiyada lagu noolaan jiray.

Waxa kale oo jira Tools-ka ama qalabka wax lagu qabsado oo kuwii hore ah oo ku filiqsan gobollada dalka sida Mindiyo dhagxaan ka samaysan, Dheryo iyo weelal kale kuwaas oo laga helo dhulka dadkii hore degi jireen iyo meelaha u dhow dhulka biyaha leh. Sidoo kale waxa jira waxyaabo ka sii hadhay dadkii hore oo loo isticmaali jiray dagaalka, Quruxda IWM.

Dhinaca Badda wax jira waxyaabo ku jira badda hoosteeda sida Dekedo hore, Doonyo degay iyo qalab kale oo ka lumay dadkii hore. Xeebaha waxa kale oo jira Magaalooyin hore oo Aasmay oo ay lahaayeen Ilbaxnimooyinkii hore, magaalooyinkaasi waxay ku teedsan yihiin xeebaha: sida Saylac, Lughaya, Bula-Xaar, Berbera, Shall Cow, Siyaara, Conqor, Xiis, Maydh, Laasqoray ilaa Deketul Raxmaan oo ka shishaysa Laas qoray.

Hadhaaga iyo Qalfoofyada muujinaya Xayawaanadii dhulkan ku noolaan jiray ayaa ka mid ah waxyaabaha laga helo dhulkeena. Xayawaanadaas oo noocyo kala duwan ahaa waxa raadadkoodii lagu sii arkaa meelo kala duwan. sida godadka buuraha hoostooda ah, xeebaha, meelaha biyaha u dhow iyo meelo kale. Xayawaanada nool oo iyagu noqon kara raad taariikheed waxa ka mid ah xayawaanada sii dabar go’aya ee dalkeena laga helo. Kuwaas oo u badan Bog ku socotada waxa ka mid ah xayawaanka loo yaqaano Maskarta oo ah Mas gaadhaya 30 mitir dherer ahaan. Waxa laga helaa buuraha Sheekh, Marso, Fadhi weyn iyo buuraha kale ee Silsillada Golis.

Sahankan oo aan waday 25 sanno ah waxaan ku helay ilaa 160 goobood oo waa weyn iyo yar yarba leh kuwaas oo u diiwaan gashan wasaaradda iyo caalamka qaarkoodba. Goobahaas waa la soo arkay qaarkoodana wasaarada waxa u jooga shaqaale.

Mudadaa aan sahamiyaha ahaa ujeedadaydu waxay ahayd in la ogaaado Asaarta qadiimka ee dalkani leeyahay oo ah Raasamaal iyo taariikh. Faa’iidadeedana waxa leh dadka reer Somaliland, mar labaadka waxa leh Geeska Africa, marka saddexaadna waxa leh caalamka. Tusaale sawirada fac weyn ee ku xardhan buuraha iyo godadka, Africa waxa hogaaminaya kuweena sida ay muujisay daraasadi. Sawirada ku xardhan buuraha iyo dhulka la degi jiray qaarkood ayaa muujinaya dhaqanka dadkeena iyo xoolihii ay dhaqan jireen. Sida Geela, Lo’da, Adhiga, Dameero. Sida kale waxa ku jira sawiro muujinaya duur joogtii dadku ugaadhsan jireen iyo xilligii ugaadhsiga.

Qaybahaas taariikhda ah ee dadkii hore I nooga tageen haatan halis ayey ku jiraan oo burbur ayaa ku socda. Goobaha qaar waa la degay, qaar Beero ayaa laga samaystay, qaar kale dhismeyaal. Tusaale Dibiga u weyn dunida ee sawirkiisa la helay waxa ku sawiran yahay Spain, dalkeena ka ugu weyn sawir ahaana waxa uu ku xardhan yahay Dhagax ku yaal Gabiley balse haatan waa la burburiyey oo la degay meeshii. Wasaaradu way dedaasha laakiin mas’uuliyiinta gobollada iyo Maayarada ayaa laga rabaa mas’uuliyada ilaainta.

Raadadka ugu weyni waxa kale oo laga arkaa magaalooyinka la degan yahay, siiba kuwa xeebaha oo dhismeyaal taariikhihii hore ah laga helo. Dhismeyaasha taariikhda xabaarsan ee ugu weyn waxa ka mid ah hadhaaga dhismaha Masjidka Qiblatayn ee Saylac. Waa taariikh muujinayaa ilaa qarinigii 14aad. Saylac waa halkii ay ka soo degeen Asxaabtii uu hogaaminayey Jacfar binu Abi Daalib ee taariikhda Hijriyada ka hore u soo haajiray Ardul Xabash ama Itoobiya. Hadhaaga dhismeyaal kale oo wakhtiyadaas la da’ ah ayaa magaalooyinka xeebaha ku yaal iyo weliba suuqyo hore balse dhismeyaal ayaa loo beddelaa.

Waxa jira xabaalihii da’da weyn ayaa qaarkood la qoday iyada oo alaabtii dadkii hore laga raadinayo. Somalidu way dhowri jirtay xabaalaha oo waxay odhan jirtay “Xabaali qori saar mooyee qori ka qaad ma leh’’. “Dhidir xabaalo qodaa Qudhun buu uga dhaadhacaa”. “Xabaaluhu way isu faannaan”. Balse sanadkii 1972, ayaa nin D.C ama gudoomiye ka ahaa Ceerigaabo uu qoday xabaal taas oo laga soo saaray qalab dadkii hore isticmaali jireen. Taasi waxay sababtay in la qodo xabaalo kale. Waxa ku xigay nin isana ka shaqayn jiray dawlada hoose ee Ceeribaago oo dhowr xabaalood qoday, inkasta oo lagu xidhay falkaas. Dhacdadaa ka dib waxa la dhigay Riwaayadii la odhan jiray “Xaajoba la yaab leh bal aan qodo xabaalaha”. Waxay alifay Macallimiin reer Sanaag ah iyo Arday. Wakhtiga Riyaawadaas la alifay waxaan ku sugnaa Ceerigaabo oo aan arday ka ahaa, halkaas oo uu ka shaqayn jiray Aabahay.

Goobo dalxiiska ayaa ka mid ah Asaarta qadiimka ah, goobahaas qaar waa la helay qaarna hore ayey u jireen, balse waxa la buruburiyey guryihii iyo dhismeyaashii uu ka dhisay Ingiriisku. Sida Daallo, Gacan Libaax, Marso Sacaadada Diin, Ceebaad iyo qaar kale oo badan.

Hadaba waxaa ku boorinayaa Bulshada iyo dadka inta aqoonta lehba, miyi, magaalo, xeeb in ay ilaashadaan goobahaas. Waa in lagu baraarugo oo la barto goobaha qadiimka. Wadamo badan oo dunida ah waxa bedelay raadadkii taariikhiga ahaa iyo Asaartii qadiimka ahayd ee laga helay. Waxan kale oo boorinayaa in la sameeyo shuruucdii lagu daryeeli lahaa dunida ballaadhan ee Archeology ama Asaarta qadiimka ah.

Aniga oo aan soo koobi karin macluumaad hawshan ballaadhan waxaan halkan uga mahadnaqayaa dadkii ila shaqeeyey oo iyaguna Amaan ku leh. Waxa ugu horeeya wasiirkii hore ee wasaarada Alle ha u naxariistii Cismaan Cali Bile, C/salaan Maxamed Shabeele oo ahaa Agaasimihii hore ee Dalxiiska ilaa hadna igu garab taagan. Laba wariye oo ka tirsan wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta oo kala ah Faysal Fadh-fadhle iyo Xasan Xuseen. Sidoo kale dhammaan cid kasta oo hawshan igala qayb qaadatay oo ay ugu mudan yihiin shaqaalaha wasaarada iyo madaxdooda.