Mas’uuliyiin booqday deegaanka Bariire+sawirro

0
277

 Beegsonews-Maamulka gobalka Shabeelaha hoose ayaa faahfaahin ka bixisey kormeer ay ku tageen deegaanka bariire ee gobalka shabeelha hoose

Masuuliyin  ka tirsn dowladda gobaleedka  koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa gaarey deeganka bariire ee gobalka Shabeelhaa hoose halkaasi o dhwaan laga saarey maleeshiyadka araggagixisada ee alshaab.

Masuuliyiintan ayaa waxaa horkacayey gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahin  Aadan Cali Najax iyadoo sidoo kle uu kormeerka uu ku wehlinayay wasiirka amniga dowladd gobalkeedk konfurgbled iyo qaar kamid xubano katirsan Maamulka gobalka

Guddomiyaha oo hadleyy warbaahinta qaranka ee Radiomuqdisho ayaa Sheegey ‘’Waxaan maanta safar dhulka ku gaaray deegaanka Bariire oo dhawaan laga saaray kooxda nabad diidka alshabaab iyadoo Safarkeyga igu wehliyay  Qaar ka mid ah maamulka gobolka, wasiirka Amniga gudaha KGS iyo Xildhibaan Nuur Siidow oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka federalka ee soomaaliya.

Guddoomiyaha Najax ayaa ujeedka safarkoda waxa u ku sheegey sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo tan nololeed ee deegaanka iyadoo dhanklena dhiri gelinayay ciiidanka Xoogga eek u sugan deeganka bariire

Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ugu damben u mahadceliyay Taliyaasha Ciidamada  iyo  guud ahaan ciidanka ku sugan degnaka bariire iyo deegaanada ku dhow sida ay ugu adkaadeen amiga uguna guuleysteen cadowga alshabaab ayagoo xaqiijiyay Amniga deegaanka Bariire.