Home WARARKA MAANTA Masuul ka tirsan xukumada somaliland oo ka damqadey Hooyo Dulmi...

Masuul ka tirsan xukumada somaliland oo ka damqadey Hooyo Dulmi ka tirsatay Ganacsade

0
159

Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Cabdikariin Xinif, ayaa codsaday in xafiiskiisa loogu keeno Hooyo Waayeel ah oo la sheegay in ay Nadiifiso ka ahayd mid ka mid ah meheradaha Hargeysa balse Dulmi tirsatay.

Qoraal uu soo dhiggay bartiisa Face Book-ga ayuu ku yidhi.

” Hooyada carruurta korsanaysa, ee halkan lagu soo bandhigay, ee la sheegayo in shaqadii nadiifisada labada gelin ee $70 ahayd laga eryey, dareen bay ku abuuraysaa qofkii damiirkiisu damqanayo, ee carruur iyo hooyo dan yar ah sawiran karaya. waxaan codsanayaa in ciddii garanaysaa iigu keento xafiiska Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, anigoo ilaahay la kaashanaya waxaan siinayaa shaqo ka waqti yar oo laba saddex saacadood ah waqtigeeda inta kalena iyadaa iskeed uga faa’iidaysanaysa.
Ciddii kale ee wax ku caawin karaysana way u furan tahay allaah ha ka abaaliyo”

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com