Masar oo xaqiijisay in 85 Dhimasho ah covid19 maalin kaliya

0
35

Masar ayaa isniintii xaqiijisay in 85 bukaan oo kale ay ku dhinteen cudurka coronavirus 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada dhimashada ee dalka noqotay 2,278.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, 1,576 qof oo kale ayaa laga helay cudurka ‘COVID-19’, tiradaas oo guud ahaan noqotay 56,809.

Wasaaradda ayaa sidoo kale raacisay in 15,133 bukaan ay ilaa iyo hadda ka soo kabsadeen fayraska.

Ka dib markii uu ka soo baxay bishii Diseembar ee la soo dhaafay magaalada Wuhan ee Shiinaha, ‘coronavirus’ wuxuu ku faafay ugu yaraan 188 waddan iyo gobollada, sida uu sheegayo Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka.

Waxaa jira in kabadan 9 milyan oo cudur ah oo la xaqiijiyey guud ahaan aduunka, oo ay kujiraan in kabadan 471,700 oo dhimasho iyo 4.51 milyan oo soo kabasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here