Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubin katirsan Al-Shabaab.

0
340

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya, laga fuliyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, 24-kii Bishan June.

Bayaanka ayaa lagu xusay in weerarada noocan ah loo fulinayo si loogu yareeyo dhaqdhaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka, kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed,sida lagu sheegay Qoraalka AFRICOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin shacab ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta.

Weerarada beegsiga ah ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, ayaa AFRICOM ay ku sheegeen in shacabka Soomaaliyeed looga bad-baadinayo dhaq-dhaaqyada kooxaha Al-shabaab,islamarkaana loogu abuurayo fursado maamul si ay Shacaba Amni u helaan.

Sikastaba ha ahaate Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay duqeymaha Diyaaradaha ee uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu ku bartilmaameedsado Sadhigyada ay Al-shabaab ku lee yihiin Deegaanada qaar ee Gobollada Dalka.