Mareykanka oo ku baaqey in la dajiyo xiisada Suudaan iyo Itoobiya

0
149

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii culeys saaray in ladajiyo xiisada udhaxeysa Suudaan iyo Itoobiya iyadoo laga cabsi qabo inay sii kororto dagaalka dhiigga badan ku daatay ee gobalka Tigray

Wicitaan khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok, Blinken wuxuu ku sheegay “baahida loo qabo in la dejiyo xiisadaha u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan aagga xadka Al-Fashaqa, oo ay ku jiraan ballanqaadyadii ugu dambeeyay ee ku saabsan wadahadalka si loo xalliyo arrinta”
ayuu yiri afhayeenka Ned Price.

Aagga barwaaqada ah ee labada dalba sheegteen ayaa waxaa ku soo kordhay dagaallo markii Suudaan ay ciidamo u soo dirtay, taasoo ay Itoobiya ku tilmaamtay duulaan.