Mareykanka oo ka hadlay quqeyn uu ka fuliyay Jubbada Hoose

0
215

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayaa ka faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo,isla markaana lagu dilay xubno katirsan Kooxda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday Shalay,isla markaana lagu dilay labo dagaalame oo katirsan Kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale warka qoraalka ee AFRICOM, ayaa lagu xusay in duqeynta ay timid kadib markii Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qadeen Saldhig ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku la hayeen duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan dad ra’yid ah aysan waxba ku noqon.