Mahad salad oo u hambalyeey wasiirada cusub ee Galmudug

0
133

Mudnaan iyo miisaan siyaasadeed waxaan yeelan karnaa marka dadka iyo deegaanada aan matalno micno wanaagsan iyo muuqaal qurxuun aan u yeelno❗

Waxaan Hambalyo leeyahay Golaha Wasiirada Galmudug ee Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye xalay magacaabay, ayna kasoo dhex muuqdeen markii ugu horaysay xubno; magac, miisaan iyo maqaam weyn ku dhex leh masraxa siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa saaxiibadey Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ku dhiiraday, aqbalayna in ay xilalkoodii heer federaal uga soo tagaan Galmudug darteed, si loo yagleelo Galmudug toosan, tayeysan, dadkeeduna talo wadaag yihiin.

Muddadii koobneyd ee Galmudug aan joognay waxaan ku guuleysanay in aan dhidibada u aasno dib-u-heshiisiin dhab ah iyo isfaham siyaasadeed si Galmudug uga gudubto kala qoqobnaantii maamul iyo siyaasadeed ee ragaadiyay, waxaana amaanteeda leh Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo ku dhiiraday, una dhabar adaygay ka miro-dhalinteeda.

Tilaabadaan waxaa xigi doona labo tilaabo oo mid waliba miisaankeeda iyo mudnaanteeda gaarka ah leedahay: 1) Dib-u-xoreynta deegaanada Galmudug ee cadowgu haysto oo dadka reer Galmudug u diryaarsan yihiin, dad aqoon iyo karti u lehna loo soo xulay. 2) Dib-u-dhiska Dekada Hobyo oo dadka reer Galmudug baahi aad u badan u qabaan, loona dhiibay mas’uul qaran oo ka miro dhalin kara inshaa’allah.

Guul ayaan u rajaynayaa Golaha Wasiirada Galmudug. Hambalyo.

Hon. Mahad Salad