Madoobaysadu ma xaaraan baa?

0
136

Waxa suurtagal ah in qofku masalooyinka fiqigaa ee khilaafku ka jiro uu hal dhinac fatwadeeda maqlo ama akhristo, taasina ay sababto in aanu ogaan culimo kale oo sidan isaga loo fatwooday si ka duwan qabtaa ay jirto masaladana khilaaf ka jiro.

Qoraalkeenani wuxu dul istaagi doonaa mid ka mid ah arrimaha fuqahadu isku khilafeen, taas oo dadka badankooda hal dhinac fatwadeedu gaadhay. Waxaynu ka hadli doonna khilaafka masalada ku jira, halka khilaafku yahay, sida loogu kala aragti duwan yahay iyo in aynu ku soo gunaanadno caddaynta midda inala qumman, innaga oo isbarbar dhigayna dhanna aan ka tagayn fatwadooda iyo dooddooda.

Masalada aynu ka hadlaynaa waa marsashada madoobaysada iyo waxa shareecadu ka qabto. Masaladan in la iswaydiiyo waxa keenay laba xadiis oo ku soo arooray, kuwaas baa iyaga laftooda su’aal la iska waydiiyaa.

Xadiiska kowaad waa xadiiska Jaabir bin Cabdillaahi warinayo ee uu leeyahay: nebiga waxa u yimid Abu Quxaafa-Abu Bakar Sadiiq aabbihii, maalintii la furanayey Maka isaga oo timihiisu aad u caddadeen, deeto Rasuulku NNKH wuxu yidhi, “Beddela timihiisa, madowgana ka dheereeya.”

Xadiiska Jaabir waa mid sugan oo ku yaalla Bukhaari iyo Muslim laakiin dood baa ka jirta inta dambe ee xadiiska ee odhanaysa (Madowga ka dheereeya) uu culimo badan leeyihiin waa mudraj-hadal aanu nebigu odhan oo lagu daray.

Dooddu waxay tahay sannadka kowaad ee xadiisku ku soo arooray ee ah Abu Khusayma in uu ka wariyey Abi Subayr, isna uu ka sii wariyey Jaabir in aanay ku jirin madowga ka dheereeyaa. Suhayr bin Mucaawiye Almukani ayaa waydiiyey Abu Subayr in xadiiska ay ku jirto (ka dheereeya madowga) deeto Abu Subayr wuxu ku jawaabay: MAY.

Warin labaad oo ku sugan musnadka imaam Axmed ayaa leh: nebiga waxa u yimid Abu Quxaafa oo timihiisu cad yihiin, nebigu ooryihiisii ayuu faray in ay caddaanka wax uga mariyaan deeto wuxu ku yidhi, “Ka dheereeyaa madowga.”

Warintanna Xasan bin Muusa ayaa wuxuu waydiiyey Abu Subayr oo sanadka warrinta ku jira in nebigu yidhi (ka dheereeya madowga) deeto Abu Subayr wuxu yidhi: MAY.

Warin saddexaad oo Xaakim soosaaray ayaa leh: Curwatu bin Subaat ayaa ka wariyey Abu Subayr oo isna ka wariyey Jaabir ayaa leh: nebiga waxa u yimid Abu Quxaafa maalintii furashada Maka, deeto nebigu wuxu amray in wax la mariyo qoortiisa. Xadiiskan waxa lagu duray in aanu adeegsan habraacii hadalladii hore ee ahaa: ka dheereeya madowga. Sidaa darteed sugnaantiisa ayaa la isku qabsadayba.

Saxiixa Muslim wuxu dhigayaa in Ibnu Jurayj ka wariyey Ibnu Subayr, isna uu ka sii wariyey Jaabir bin Cabdillaahi ay ku sugan tahay ereyga: ka dheereeya madowga. Sidoo kale sanad kale oo aan ahayn ka Muslim Lays bin Sacad ayey ku jirtaa ereyga ka dheereeya madowga oo ay leeyihiin waxay ka sugan tahay Ibnu Subayr. Qolyahani waxay ku doodayaan in Ibnu Subayr ilow yeeshay sidaas darteed uu u ilaaway.

Xadiiska Anas bin Maalik ee odhanaya: ka beddela cirrada oo hana u dhawaynina madow isagu waa daciif sida uu ku tagsan yahay Luhayca uu leeyahay la daliishan maayo.

Kolka warinta la isku soo ururiyo waxay ku biyo shubanaysaa sida imaam Axmed soo warinayo in odhaahda ah (ka dheereeya madowga) aanay xadiiska ku jirin oo ay mudraj-hadal aan ahayn hadalkii nebiga uu yahay, kaas oo la leeyahay Ibnu Jurayj oo abii Subayr ka sii wariyey ayaa siyaadadan la yimid, sidaa darteed maaha xadiis nebi.

Cillad kalena waa lagu sheegaa xadiiska oo ah in sugnaantiisa la iswaydiiyaba sababta oo ah xadiisku wuxu ku wareegayaa Abi Subayr, Abu Subayrna wuxu caan ku ahaa tadliiska, mana caddayn in uu ka maqlay Jaabir xadiiska, xadiisku riwaayaadku lahaa oo dhan, sidaa ajligeed ayaa la leeyahay siyaado ha joogtee sugnaantiisa aynu horraysiino.

Midda sii caddaynaysa xadiisku in uu mudraj yahay innaga oo u iman doonna waa in tiro badan oo saxaabada iyo taabiciinta ahi marsan jireen madoobaysada. Midda ka sii daran baa ah in Ibnu Jurayj oo xadiiska warinayaa isaguna madoobayn jiray timaha.

Sida cadna amar kastaa waajib ma faa’ideeyo, diidmo kastaana xaaraantinnimayn ma faa’idayso, xadiiskan haddii la yidhaa waa sugan yahay oo mudraj maaha sida culimo badan ku doodayso oo aynu nidhaa waa hadalkii nebiga waajib noqon maayo loona fahmi maayo in la fogaynayo timaha in la madoobaysto, sida aanay waajib ugu ahayn in timaha uu beddelo qofku oo aanu ku khasbanayn in uu timihiisa beddelo hadday cirraystaan, sidaa si la mid ah kuma khasbana hadduu beddelayo in uu madow ka dheeraado, sababta oo ah labada amar midna waajib ma faa’idaynayo.

Xadiiska labaad ee madoobaysada ka hadlayaa waa xadiiska Cabdillaahi Ibnu Cabbaas uu ka wariyey in Rasuulku yidhi, “Waxa iman doona aakhir samaanka duul timahooda u madoobaysta sida qoollayda oo kale, kuwaasi jannada Ilaahay urin maayaan.”

Xadiiskan dood weyn baa ka taagan sugnaantiisa, waxa la isku hayaa mid ka mid ah ragga silsiladda warinta ku jira oo aanu sugnayn qofka uu yahay. Silsiladda xadiisku waxay leedahay in Cubaydullah ka warinayo Cabdikariim, isna uu ka sii warinayo Saciid bin Jubayr oo ka warinaya Cabdillaahi ibnu Cabbaas.

Doodda muxaddisiintu waxay tahay qofka uu yahay Cabdikariimka silsiladda warinta ku jiraa. Qaar baa leh waa Cabdikariim ibnu Abu Mukhaaraq abu Umaya Basri oo lagu yaqaan daciifnimo. Ragga qaar baa leh isaga maahee waa Cabdikariim bin Maalik Jusari oo run lagu yaqaan. Doodda xadiiskani waa labada Cabdikariim midkee baa ku jira warinta.

Xadiiskan ibnu Jawsi iyo Shawkaani waxay ku dareem mawducaadka-axaadiista been abuurka ah, iyagoo ku sababeeyey ku jirista Cabdikariim ibnu Abu Mukhaaraq abu Umaya Basri oo beenaale ay ku yaqaneen.

Dabaraani wuxu leeyahay Cabdikariimku waa ibnu Mukharaaq abu Umaya, sidaa darteed ma sugna xadiisku ee waa daciif. Ibnu Ciraaq ayaa isna dooddan qaba.

Xaafid Calaa’I iyo ibnu Xajar iyaga agtooda xadiisku wuu ka sugan yahay oo waxay leeyihiin maaha qofka xadiiska warinayaa Cabdikariim ibnu Abu Mukhaaraq abu Umaya Basri ee waa Cabdikariim bin Maalik Jusari oo run lagu yaqaan.

Ragga xadiiskan durayaa waxay leeyihiin xadiisku wuxu leeyahay aakhira samanka waxa iman doona rag timaha madoobaysta, laakiin isla cahdigii nebiga oo ah wakhtigii saxaabada ayaa la marsanayey oo saxaabada iyo taabiciinta qaarkood marsanayeen, sidaa ajligeed siday u suurtagal tahay in nebigu yidhaa aakhiru saman.

Ibnu Jawsi wuxu leeyahay maaha xadiis sugan, xataa hadduu sugan yahay marnaba lagama qaadanayo xaaraantinnimayn, sababtoo ah xadiiska wax amar ah kuma jirto, waa ka warran cid laga warramayo, ka warrankuna xukun lagama qaato, waa sida kolku nebigu Khawaarijka ku tilmaamay in ay timaha dhukurtaan oo wada xiiraan, sida xadiiskaa aan looga qaadanayn in dhukurashadu xaaraan tahay ayaan kanna looga qaadanayn in madoobaysadu xaaraan tahay ayey leeyihiin haddii uu sugmaba.

Duul uun baa imanaya ayuu xadiisku yidhi ee ma timaha ay madoobaysteen bay jannada urteeda ku waayayaan? waa maya ee sida Khawaarij lagu fogeeyey aaminaadoodii qalloocnayd uun baa kuwanna wax lagu haystaa, waa haddii u sugmaba.

Doodda muxadisiinta ee labadan xadiis waxay dhalisay khilaaf masalada ay ku kala duwan yihiin fuqahada iyo madaahiibtu. Iyaga oo qaarba dhan maraya, qaar baa qaba in labada xadiis sugan yihiin, ama midkood sugan yahay, sidaa ajligeed ay madoobaysadu xaaraan tahay, halka qaar leeyihiin waa karaahiyo, kuwa ugu dambeeyana ay qabaan in ay xalaal tahay madoobaysadu.
Dooddoodu waxay ku sargo’an tahay halka ay labada xadiis ka taagan yihiin.

Ugu horrayn fuqahadu way isku waafaqsan yihiin in timaha la madoobaysan karo kolka dagaal lagu jiro. Ibnu Xajar wuxuu tilmaamay in qofka dagaalka galaya loo oggolyahay, sababtuna ay tahay in la cabsi galiyo gaalada oo halkay ragga odayaal ka moodi lahayeen dhallinyaro kolkay u arkaan baqa-jabaan.

Waxana la isku khilaafsanayn xaaraannimadeeda in madoobaynta kolka khiyaamo loo adeegsanayo, sida gabadh loogu geed fadhiisanayo ama iyadu nin isku da’yaraynayso. Mabaarakfuuri waxa uu yidhi: in madoobayso la marsado, iyada oo ujeeddadu tahay in dadka lagu khiyaameeyo waa la isku raacay xaaraantinnimadeeda.

Doodda khilaafku waa marsashada madoobaysada iyadoon dagaalna lagu galayn gabadhna lagu doonayn, gabadhuna wiil isug da’ yaraynayn ee qofku iskii isaga marsanayo. Marsashadaa fuqahadu waxay ka leeyihiin shan mawqif oo kala duwan.

Mad’habka kowaad waa qayb Shaaficiyada ka mid ah sida Nawawi oo ku tagsan in ay xaaraan tahay marsashada madoobaysadu, waxa kale oo arrinkaas qaba qayb ka mid ah culimada mucaasiriinta ah.
Mad’habka labaad wuxu qabaa in ay karaahiyo tahay marsashada madoobaysadu, waxana middaa qaba Xanafiyada, Maalikiyada, Xanaabilada iyo qayb Shaaficiyada ka mid ah sida Qasaali iyo Baqawi.

Ibnu Qayim oo arrinta karaahiyada ka hadlayaa wuxu leeyahay: madoobayso in la marsadaa waa karaahiyo-arrin laga wanaagsanyey in la sameeyo sida ay qabaan koox culimada ka mid ah, waana midda qumman xukunka shaki la’aan.”

Mad’habka saddexaad waxay qabaan in ay bannaan tahay marsashada madoobaysadu sida koox Xanafiyada ka mid ah, Ibnu Jawsi, Ibnu Mulqin, Maxamed bin Xasan, Abu Yuusuf iyo culimo badan oo mucaasiriinta ah sida faqiihii qarnigii labatanaad Sayd Saabiq. Mad’habka afaraad wuxu u dhigaa qayd sida taabicigii Suhri iyo Ibnu Baddaalkii Maalikiga ahaa.

Mad’habka shanaad ragga iyo dumarka ayuu kala saaraa oo wuxu leeyahay: dumarka way u bannaan tahay hadday ninkeeda isu qurxinayso, mad’habkani ma qabo in raggu marsan karaan, waana arrin uruursan oo ay ku tagsan yihiin Isxaaq, Xalimi iyo Ramli.
Doodda ah madoobaysa mala marsanayaa waa dood soo taagnayd ilaa wakhtigii saxaabada oo aan maanta bilaabmin. Saxaabadii rag ka mid ah ayey ka sugan tahay in ay marsanayeen oo axaadiistani agtooda ka sugnayn.

Baqawi, ibnu Jariir, ibnu Cabdi Bar, ibnu Qayim iyo Ibnu Xajar kutubtooda waxay ku soo saareen in saxaabada kala ah: Cusmaan Bin Cafaan, Cumar bin Caas, Xasan iyo Xuseen oo ilma Cali bin Abu Daalib ah, Sacad Bin abu Waqaas, Cuqba bin Caamir, Muqayra bin Shucba iyo Jariir bin Cabdillaahi marsan jireen madoobaysada.
Sidoo kale Taabiciinta kala ah: Suhri, Cumar bin Cusmaan, Cali bin Cabdillaahi bin Cabbaas, Abi Salama bin Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaan bin Aswad, Muuse bin Dalxa, Ayuub, Ismaaciil bin Mucdi Karb, Muxaarib bin Dasaar, Yasiid, ibnu Jurayj, ibnu abi Layla, Siyaad bin Cilaaqa, Qaylaan bin Jaamic, Naafic bin Jubayr iyo Cumar bin Cali Muqaddami ay marsan jireen madoobaysada.

Culimadu waxay leeyihiin hadday madoobaysadu xaaraan ahaan lahayd saxaabada marsanayey ayaa lagu diidi lahaa, lamana hayo cid ku diidday marsashadooda oo kaga hor timid. Culimada qaar ayaa leh hadalka nebigu wuxu sax ku yahay in uu yidhi wax ku beddela cirrada kolku odayga ka hadlayey. Wax ku beddela madoobaysaa noqon karta haddii sidiisa loo raaco.

Ugu dambayn fatwada ah in madoobaysadu xaaraan tahay waa mid laga xoog badan yahay, waxana ka xoog badan tirada saxaabada iyo taabiciinta ah ee dhaqangelisay marsashada madoobaysada.

Sheekh Cabdirisaq Xasan rakuub