Madbacada Qaranka oo Abaalmarisay Shaqaalaheeda

0
166

 Shaqaalihii dedaalka iyo hufnaanto shaqo muujiyay sanadkii tegay ee 2019-ka ee madbacadda qaranka Somaliland ayaa la gudoonsiiyay abaal-marino lagu dhiirigelinayo.

Munaasibad loo sameeyay shaqaalahaasi la abaal-marinayay oo shalay lagu qabtay xarunta madbacadda qaranka waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, maareeyaha madbcadda qaranka Maxamuud Raage, maareeye ku-xigeenka, guddoomiyaha wargeysyadda dawladda ee Dawan Media Group Maxamed Axmed Jaamac, agaasime waaxeedyadda madbcadda iyo shaqaalaha.