Madaxweynihii dalka Chat Idriss Deby ayaa la toogtay oo geeriyooday.wiillkiisa oo xukunkii la wareegey

0
198

Toogashada ayaa timid saacado kadib markii uu ku guuleystey markii lixaad doorashada dalka isagoo helay 79.32%.

Hogaamiyahan 30 sano xukumayay Chad ayaa u dhintey dhaawac soo gaarey, isagoo hogaaminaya ciidankiisa dagaalka ay kula jiraan fallaagada waqooyiga dalkaas.

Maxamed Idiris oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Chat ayaa lagu wareegay xukunka Jamhuuriyadda Jaad.

Malatariga dalka Jaad ayaa sheegay inay laaleen dastuurkii dalka isla markaasna xukun si ku meelgaadh ah ugu dhiibeen wiilka Madaxweynihii la dilay maanta.

Maxamed Idiris oo ah 29 jir, waxa uu hogaamin doonaa Golaha shuuro sare oo ka kooban 15 kornayl oo ka tirsan Ciidanka dalkaasi kuwaasi oo talada la lahaan doonna Maxamed Idiris.