Madaxweyne Uhuru oo ka iibinaya Mpesa dadka Itoobiya

0
175

Madaxweynaha dalka Uhuru kenyatta ayaa ku booriyay dowlada itoobiya inay qaadato qaababka lacagaha loo diro ee mobilada madaama dhaqaalaheeda uu marayo isbadal dhanka digital ka ah

Isaga oo ka hadlaya munaasabaddii abaalmarinta ee liisanka isgaarsiinta ee iskaashiga caalamiga ah ee isbahaysiga Itoobiya ee ka dhacay Addis Ababa maanta, madaxweyne Uhuru wuxuu sheegay haddii si buuxda looga faa’iideysto, lacagta mobilada (M-Pesa) ay horumarin doonto heerarka nolosha dadka.

Waxaan ku rajo weynahay in dowladdaadu tixgelin doonto, mustaqbalka dhow, inay furato fursadda lacagta mobilada ee Itoobiya.
Tallaabadani waxay noqon doontaa mid si gaar ah u dhacda waqtigeeda, maxaa yeelay waxay u soo bandhigi doontaa malaayiinta shacabka Itoobiya rajada ka mid noqoshada dhaqaalaha, ”ayuu madaxweyne Uhuru ku yiri khudbadiisa.