Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo qaabilay Madaxda Hay’addo Caalami ah

0
224

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’addaha UNICEF, Mr. Werner Schultink, iyo UNFPA, Mr Anders thonson oo hay’addahaasi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.


Kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka qaramadda midoobay iyo Somaliland ka dhexeeya ee dhinaca arrimaha bulshada iyo sidii loosii laba jibbaari lahaa mashaariicda horumarineed ee qaramadda midoobay ka waddo gudaha Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo saraakiishaa kusoo dhaweeyay Soomaaliland, maddaama ay ku cusub yihiin xafiisyadda UNICEF iyo UNFPA ay kaga hawlgalaan Somaliland, iyagoo bedelay masuuliyiintii hore u hayey xilalkaasi.

Soomaaliland ayaa wado dadaalo ay saro ugu qadeyso Hay’adaha Qaramada Midoobay,sidii ay ugu qaadi lahayeen Deegaanada Soomaaliland.