Madaxweyne Farmaajo oo u Amba-baxay Mareykanka

0
282

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 22-ka bishan u amba-baxay Magaalada New york ee Cariga dalka Marykanka.

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo uu u tagayo Mareykanka,ayaa waxa ay tahay inuu ka qeyb galo Shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Shirka ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa Shirka Golaha qaramada Midoobay ka qeyb galayay oo wakiil ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wasiirka Arrimaha dbadda Axmed Ciise Cawad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safarkan u noqonaya midkii ugu horeeyay uu tago Mareykanka Saddex sano kadib,iyadoona xusid mudan tahay in 1-dii bishii Agoosto ee sanadkaan uu Madaxweyne Farmaajo iska celiyay dhalashadii uu ka heystay Mareykanka.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo