Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul-wasaaraha Norway “SAWIRRO”

0
162

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta taageerada dowladda Norway ay siineyso Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka”.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, oo munaasabaaasi ka hadlay.

Labada Dowladood Soomaaliya iyo Norway ayaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo ku saleysan siyaasada, dhaqaale iyo horumarin.