Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Cafis u fidiyay Maxaabiis reer Puntland ah

0
306

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Cafis u fidiyay tiro Maxaabiis oo sida la sheegay Ciidamada Soomaaliland, ay ku qabateen Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee dhexmaray Soomaaliland iyo Dowladda Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland uu Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac,ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland uu Cafis u fidiyay 14 Maxbuus oo lagu qabtay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Sidoo kale Soomaaliland ayaa sheegtay in tallaabadani ay muujineyso sida Soomaaliland ay ugu go,an tahay in la helo Amniga iyo Nabad,isla markaana Xukuumadda Soomaaliland ay mar walbo siineyso Ahmiyada koowaad amniga.

Dhinaca Soomaaliland ayaa Xiisada ka taagan Deegaanka Tukaraq ee kala dhaxeysa Puntland ku Eedeysan inuu hurinayo, isla markaana ay ka dambeyso Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Maxaabista la sii daayay Magacyadooda.

1- Cabdinaasir Cismaan Cali.

2-Cabdinuur Maxamed Cabdulle

3-Maxamed Saciid Yuusuf

4-Cali Faarax Aadan

5-Maxamed Cabdi Ceynab

6-C/Xaafid Cabdullaahi Xalane

7-Xuseen Saciid Warsame

8- Cabdinaasir Maxamed Nuur

9-Maxamed Abshir Aadan

10-Ibraahim Xasan Salaad

11-Axmed Maxamed Axmed

12-Saciid Ducaalle Cali

13-Mahad Nuur Cali

14-Faarax Maxamed Cabdi

Sikastaba ha ahaate Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ayaa in muda ah ka taagan deegaanka tukaraq ee gobolka sool iyadoona ilaa iyo hadda ay xusid mudan tahay ineysan jirin cid si rasmi ah u kala dhexgashay labada dhinac.