Madaxweynaha somaliland oo u jawaabey madax dhaqameedka soomaliland

0
147

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxda dhaqanka Somaliland ugu baaqey in ay ku eekaadaan shaqada beelaha, ka dib markii ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen madaxda dhaqanku in ay doonayaan in ay ka qayb galaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa yidhi: “Waxaanu ka sugaynaa Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo haddii uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo”