Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay 574 maxbuus

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay 574 maxbuus

0
186

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay 574 maxbuus oo Jeelasha ugu jiray Denbiyada aan aadka u cuslayn.

qoraalka madaxweynaha ayaa lagu yidhi

” In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan)

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com