Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray magaalada Samareeb

0
127

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Samareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmuug.

Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa Garoonka magaalada ku soo dhoweeyay Maadxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Samareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Qaranka.