Madaxweynaha KGS oo shir la yeeshay Saraakiil ka Socda Dowladda Ingiriiska

0
274

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) iyo Wasiirka Amniga Ku-xigeenkiisa iyo Wakiil ka socday Qaramada madoobay iyo sidoo kale Saraakiil ka Socotay Dowladda Ingiriiska,ayaa kulan waxa uu ku dhexmaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.


Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarey sidii dowladda Ingiriiska ay gacan ugu siin laheed Dowlad Gobolledka Koonfur galbeed la dagaalanka Kooxda Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa u mahadceliyey saraakiishan sida ay uga saacidayaan Maamulka Koonfur Galbeed Dagaalka uu kula jiro kooxda Al shabab, waxa uuna sidoo kale Dowlada ingiriiska ugu mahaceliyay Sida mar waliba ay u garabtaagantahay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sikastaba ha ahaate Maamulka uu Hoggaamiyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horay u sheegay iney ka go’on tahay sidii Ururka Al-shabaab Guud ahaan looga saari lahaa deeganada Koonfur galbeed Loona Furi lahaa waddooyinka ay Go’odomiyeen Kooxda Al-Shabaab.