Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru, oo booqdey Congo markuu ka yimid Farmaajo

0
129

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa galabta goor dambe gaadhay dalka Congo, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho sadex maalmood ah oo uu ku joogi doono dalkaasi.

Dhiggiisa Congo Madaxweyne Felix Tshisekedi, ayaa soo dhaweyn balaadhan ugu sameeyay Magaalada Kinshasa ee Caasimadda dalkaasi.

Safarka Uhuru Kenyatta ku tagay dalka Congo, ayaa imanaya markii saacado uun kadib uu dalkaasi kasoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo halkaasi ku tagay safar qaatay maalin.

Warar soo baxayey intii uusan Farmaajo tagin dalka Congo ayaa sheegayey in Safarkiisu la xidhiidho sidii Madaxweynaha Congo oo ah guddoonka Midowga Afrika uu wada-xaajood uga dhex furi lahaa Madaxda Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Congo may shaagin inuu jiro wada hadal laga dhex furi doono dhinacyada Kenya iyo Soomaaliya balse waxaa ay arrinta ugu weyn ee ay labada dowladood isla soo qaadeen noqotay in Madaxweyne Tshisekedi, uu fududeeyo wada hadalo dhexmara Mucaaradka Soomaaliya iyo Dowladda dhexe, taasoo uu codsaday Madaxweyne Farmaajo.