Madaxwaynihii deegaanka Tigreega Dr. Debretsion Gebremichael oo hadley

0
110

Madaxwaynihii deegaanka Tigreega Dr. Debretsion Gebremichael oo aan la arkin intii dagaalku dhacay ee uu ka baxay caasimadda deegaankaas ee Maqalle, ayaa duurka kasoo hadlay sida uu baahiyay warbaahinta DW oo ay TPLF leedahay.

Debretsion ayaa sheegay in dadka iyo deegaanka tigreega ay kusoo duuleen 4 wadan oo raba inay tirtiraan dadka tigreega, wuxuuna intaasi ku daray in hada waxa deegaanka ka socda uu yahay boob iyo dhaca hantida shacabka tigreega ah balse wuxuu yidhi taasi maaha mid sii socon doonta.

isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu baaq u diray dadkiisa oo uu sheegay inay iska dulqaadaan waxa uu ugu yeedhay cadawga kusoo duulay islamarkaana soo ceshadaan karaamadooda, waa siduu hadalka u dhigaye.

dhanka kale isagoo goodinaya ayaa waxa uu sheegay in TPLF ay tahay urur uu samaystay dadka tigreegu islamarkaana aysan ku cusbayn jabhadaynta iyo dagaalku.

hadalkan kasoo yeedhay Debretsion ayaa ah kii u horeeyay ee in mudo ah, wolow aysan jirin cid xaqiijisay goorta iyo goobta uu hadalkan kasoo duubay.

xukuumada PM Abiy Ahmed ayaa iyadu sheegtay in dagaalkii lasoo afjaray walow ay hadana maalinba xog horleh oo colaada kusaabsan baahiso saxaafada dawladu.

Xigasho : SDM.