Madaxtooyada kuma ogayn In ay tahay meel bukaanada la seexiyo, haddii aan umadda xog-jirta oo kale laga qarinayn!

0
163

Fal-ciqaabeed kama ratibmayo haddii la sheego qalabka neef siinta oo madaxweyne Farmaajo nafjecleysi uga qaatay isbitaal Martiini oo dadku ay u la’anayaan qalabkaas la’aantiis.

Cid kasta oo Martiini joogta ayaa kuu sheegaysa In qalabkaas xafiiska madaxweynuhu uu halkaas ka qaatay loona heystay in la soo celin doono laakin ay cadaatay inaan la soo celinayn ka dib markii nin Mas’uul ahi uu ugu dhintay halkaas ventilator la’aan!

Waxaa nasiibdarro weyn ah In aan madaxweynuhu ka damqayn muwaadiniinta u dhimanaysa baahi ay u qabaan qalabka agtiisa yaalla laakin uu ka damqayo war xaqiiq ah oo uu wariye qoray!

Fadlan xoriyadiisa dib ugu soo celi wariyaha waad ka gardaran tihiine! Ventilatorkana isna hala soo fasaxo baahi uma qabtiine?!!

Waxaa qorey xildh.fiqi