Madaxdeynaha Turkiga Erdoğan oo ka hadlayay Istanbul qaxoontiga

0
137

Madaxdeynaha Turkiga Erdoğan oo ka hadlayay Istanbul ayaa sheegay in aysan xiri doonin xadka dalkiisu uu la wadaago Giriiga, wuxuu sheegay in illaa shalay xadka ay ka gudbeen dad ku dhaw 18.000 oo Qaxooti ah, wuxuuna intaa ku daray in ay rajeynayaan in tiradu maanta gaarto illaa 30.000

Wuxuu kaloo sheegay Erdoğan in ay soo dhamaatay aaminaaddii reer Yurub ee ahayd in ay caawinayaan Qaxootiga Suuriya ee jooga Turkiga, wuxuu intaa ku daray in Turkiga uusan tabar kale u heyn marti galinta Qoxooti kale oo hor leh.

Turkiga waa dalka ugu badan ee marti galiyay Qaxootiga Suuriya, in ka badan 3.7 milyan oo suuriyaan ah ayaa halkan qoxoti ku ah.

Isha ali aadan