Madaxda sare ee Qaranka oo mushaarkoodi Bishaan Oct u jaray gurmadka fatahaadaha

0
231

Madaxada sare ee Dalka ayaa ka qeyb qaadanaya yabooha dhaqaale oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen.

Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo R/wasaaraha Dalka ayaa mushaharaadkoodi Bisha Oktoobar ugu deeqay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen.

Lacagtan ay iska jareen madaxada Qaranka ayaa waxaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka fatahaadaha.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray ugurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen.

Sidoo kale waxaa barbar socda howlo gargaar aruurin ah oo bulshadu dhankoodi ay kawadaan gobolada Dalka