Madaxda Al Shabaab oo ka qayb gashay xaflad qalin jabin arday (Daawo Sawirada)

0
190

Waxaa tuulada Fuulay lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen arday ka kooban 124 arday oo bartay Shareecada islaamka.

Xafladaan ayaa markii ugu horeeysay waxaa ka soo qayb galay madaxda Al Shabaab oo markii hore  diidi jiray in sawiro laga qaado ama ay ka soo muuqdaan saafadda. Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay ku xigeenka koowaad ee Ururka Al Shabaab Mahad Karateey, sidoo kale waxaa goobta xafalada ku sugnaa Suldaan Aala Maxamed iyo Xassan Yacquub oo ka tirsan Gudiga Sare ee Ururka Al Shabaab.

Deegaanka Xafalda lagu qabtay ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada ay diyaaradaha loo yaqaan Drone sida joogtada ah u weeraraan. Kooxda Al Shabaab ayaa  awoodooda dhaqaale iyo mida ciidanba uu maalinba maalinta ka danbeeysa sii kordhayso. Waxaa labo asbuuc ka hor ay kor u qaadeen canshuurta joogtada ah ee ay ka aruuriyaan ganacsatada Magaalada Muqadisho.

Halkaan ka daawo sawirdda madaxda Al Shabaab ee xafalada ku sugnaa: