Maxay ahaayeen nimankii dartood lsku laayeen socdaal iyo NISA muqdisho

0
139

Wuxu Doonayaa inuu Dadka La Wadaago Sirta Ka Dambaysa Dagaalka Aadan Cadde Airport Muqdisho Maanta Ilaa Shalay

Sidaan Ku Helay Xogta Ilaa Shalay Airport Muqdisho Waxay Ka Jiray Buuq Weyn

Sidaan Ogaanay Taliyaha Sirdoonka Somaliya Fahad Yaasiin X Dahir Ayaa Debeda Ka Keenay Niman Lagu Sheegay Engineero Oo Ajinabi Ah Nimankaas Oo Shala Xubin Ka Mid Ahi Dalka Soo Gaadhay Kadib Marku Visa Counter Yimi Wuxu Sheegay Inuu Yahay Engineer Haya.adda NISA U Socda Arinkaas Waxa Shaki Ka Muujiyey Shaqaalaha Airport Waxayna Weydiiyee Waraaqdii Martiqaadka Mana Sidan Waraaqdaas

Arinkii Wuxu Gaadhay Taliyaha Immigration Mr Koofi Oo Xafiisku Leh Airport Muqdisho Wuxuna Taliyihii La Hadlay Fahad Yaasiin Oo Si Cad Ugu Yidhi Soodaaya Ninka NISA Ayuu U Socdaaye. Halka Uu Taliye Koofi Dalbaday in Taliye Fahad Warqad U Soo Qoro Immigration Uu Ku Cadaynayo In Ninkani U Socdo NISA Muran Dheer Kadib Taliye Mr Koofi Ninkii Wuu Iska Siidaayey

Markale Waxa Maanta Diyaarada Turkish Airline Kasoo Degay Dhawr Nin Oo Sidii Ninkii Hore Engineero Sheeganaya Isla Sidii Shalay Ayey Is Qabsadeen Shaqaalaha Immigration Waxayna Arinkii Gaadhay In Markale Taliye Mr Koofi Dalbado in Taliyaha NISA Waraaq Soo Qoro In Nimankani Yihiin Engineero NISA U Socda Arinkaas Waxa Aad Uga Cadhooday Taliye Fahad Yaasiin Isaga Oo Amray Ciidanka NISA Ee Ka Hawlgasha Airport Muqdisho inay Xoog Kula Soo Baxaan Nimanka Ajaaniibta Ah NISA U Socda. Taas Ayaa Sababtay in Dagaal Dhexmaro Shaqaalaha Airport Iyo Ciidanka NISA Sida Xogo Sirdoon Sheegayaan Nimankan Waxa Lagu Sheegay Inay Yihiin Snipers Ajaaniib Ah Oo Taliye Fahad Yasiin Debeda Ka Dalbaday Arinkan Oo Loo Malayno Inay Sababtay Khilaafka Doorashooyinka Ee Dalka Somaliya Hadheeyey

Waxa Isweydiin Leh Madaxda Mucaaradka Somaliya Ma Loo Adeegsan Doontaa Ciidanka Snipers Ee Muqdisho Ka La Keenay

Somaliland National Voluntry Intelligence Agency (SNVIA)