Maamulka Gobolka Sh/Hoose Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Degmada Wanlaweyn

0
346

Aroornimadii hore ee saaka ayay aheyd markii dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiye beeleed uu ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose kaasn oo ay faah faahino kala duwani ka soo baxayaan.

Maamulka gobolka Shabeelaha hoose oo ka hadlay dagaaladaas ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dirirta isla markaana aan la joogin xiligii si macna dara ah uu dhiig ku daadan lahaa.

Waxaan baaq u dirayaa maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada walaweyn inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Kuwa dagaalka wada waa lala xisaabtamayaa waqtigii xisaab la aanta fal dembiyeedyada way soo dhamaatay.

“Walaweyn waxay waligeed ahayd magaalo nabdeed mana la aqbali karo in shacabka korkooda lagu dagaalamo sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa inta badan sidaan oo kale waxa ay uga dhaca dagaalo u dhaxeeya beela walaalo ah in kastoo muddooyinkii dambe ay sii yaraanayeen waxaana baaq ka soo saaray odayaasha dhaqanka iyo maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.