M.cagjar Dalkeena Ethiopia wuxuu damaanad qaadaya arimaha xorayatul qawlka, iyo cabirka ra’yiga muwaadiniinta.

0
147

Madaxweynaha dawlad deegaanka somali itoobiya ayaa qoraalkan kusoo qorey baraha bulshada wuxuuna yidhi.

Ka deegaan ahaan anagoo ka duulayna
isbadalada mugga leh ee ka dhacay dalkeena iyo deegaankeenaba, waxaan mar walba ka shaqaynaynaa damaanad qaadka iyo xurmaynta xoriyatul-qawlka, Gaar Ahaaan dhinaca ilaalinta xuquuqaha shakhsiga ah, siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka ah ba inay xor ahaadaan fikirkooda iyo aarada oo ah xuquuqo dimuqradi ah.

Waxaan sameyn doonaa baadhitaan buuxa waxaan sharciga Horkeeni doonaa cid walboo ka tirsan laamaha amniga isla markaana ku xirta muwaadin fikirkiisa iyo ra’ayigiisa cabiray ama kula kaca handadaad, cagajugleyn, gacan qaad ama cabsi galin kale.

Kadib markii aan kulanay waxaan ku war galiyey mudane Mohamed Olad in xukuumadu ay raali galin buuxda ka siinayso ka muwaadin ahaan in sifo sharci daro ah lagu xidhay, haatanna uu xor u yahay in uu fikirkiisa iyo aaraadiisa uu si xor ah u cabiri karo isagoon wax cabsi ah qabin habayaraatee. Muwaadinkastana xaq wuu uleeyahay arintaas