Labada madaxweyne kenya iyo somaaliya oo Telka ka wada hadley

0
130

Madaxweynayaasha Soomaaaliya iyo Kenya ayaa yeeshay wadahadal dhinaca Telephone-ka si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan deegaamada xuduudka labada waddan.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Uhuru, ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Sidoo kale labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in si degdeg ah ay u wada fadhiistaan guddiyo ka socda labada dal kuwaas kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkabdiblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal.

Hassan Gallaydh
HCTV, Hargeysa.