Laba qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay bartamaha Kenya

0
41


Laba ka tirsan shaqaalaha Adeegga Duurjoogta ee Kenya (KWS) ayaa dhintey Khamiistii ka dib markii diyaaraddii ay la socdeen ku burburtay magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya.

“KWS waxay kaxun tahay luminta laba xubnood oo shaqaale ah oo saarnaa labo diyaarad ka diwaan gashan wadanka kenya oo number diiwaangalinta diyaaradaha ahaa 5Y-KWL, oo ​​burburtay isla markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Nanyuki,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wakaaladda duurjoogta.

Labada waa duuliye iyo rakaab.

Sida laga soo xigtay KWS, diyaarada ayaa hada uun dhameystirtay kormeerkeeda joogtada ah ee Solio Rhino Sanctuary waxayna u jiheysatay dhanka Meru National Park, oo ku taal waqooyi bari caasimada Nairobi.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in koox gurmad ah oo wada jir ah loo diray aagga si ay howlo daad gureyn ah u sameeyaan.

Waxaa la bilaabay baaritaan ku saabsan waxa sababay shilka diyaaradda oo aan wali la ogaan.

Bishii Nofeembar ee sanadkii hore, duuliye ka tirsan KWS ayaa dhintey ka dib markii diyaarad fudud ay ku dhacday meel u dhow iskuul lagu tababaro duulimaadyada maxalliga ah oo ku yaal Isinya, kowntiga Kajiado, koonfurta Nairobi.