Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay ‘gantaallo ay ridadoodu gaaban tahay’

0
219

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay badda ku ridday laba gantal, taas oo noqonaysa tijaabadii shanaad ee ay sameyso todobadyadii la soo dhaafay.

Gantaallada ayaa waxaa loo malaynayaa in ridadoodu ay gaaban tahay, sida uu sheegay milateriga Kuuriyada Koonfureed.

Haddii la xaqiijiyo, tijaabada noocaas oo kale ayaa waxa ay xadgudub ku tahay 11 qaraar oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tijaabooyinka ayaa imanaya kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu “warqad qurux badan” uu ka helay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Mr Trump ayaa sheegay in Mr Kim uusan ku faraxsanayn dhoolatuskii milateri ee ay dhawaan wadajirka u sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed

Maxaan ka ognahay tijaabadan ugu dambaysay?

Gantaallada ayaa waxaa laga ganay meel u dhaw magaalada Hamhung ee gobolka Koonfurta Hamgyong waxa ayna ku dhaceen Badda Japan ee bariga gacanka Kuuriya.

Waxaa la ganay 05:34 iyo 05:50 subaxnimo ee waqtiga Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna jareen masaafo dhan 400 km, iyadoo joogooduna uu ahaa 48 km xaweere dheereeya ayeyna ku socdeen, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan ka soo baxay milateriga Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay gantay gantaallo xiriir ah tan iyo markii Mr Trump iyo Mr Kim ay shir ay bishii Juun yeesheen ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahalladii lagu baabi’inayay nukliyeerka dalkaasi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxa ay qaadday tijaabooyin xiriir ah
Image captionKuuriyada Waqooyi ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxa ay qaadday tijaabooyin xiriir ah

Muxuu Kim Trump u qoray?

Waxyar ka hor inta aanan la qaadin tijaabadan ugu dambaysya, madaxweynaha Mareykanka ayaa waxa uu ka hadlay warqad uu ka helay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

“Waxa ay aheyd warqad uu wanaag ka muuqanayay,” Mr Trump ayaa waxa uu u sheegay weriyayaal ku sugnaa Aqalka Cad. “Waxaan filayaa inaan kulan kale yeelan doonno. Dhab ahaantii waxa uu soo qoray warqad qurux badan, oo saddex bog ka kooban, waxaan ula jeedaa min bilow ilaa dhammaad warqaddu dhab ahaantii si qurux badan ayaa loo soo qoray.”

Maamulka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu muujiyay sida uu uga careysan yahay dhoolatuska milateri ee ay wadajirka u sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo sheegtay in taasi ay xadgudub ku tahay heshiisyadii ay la galeen Mr Trump iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Maxaan ka ognahay dhoolatuskii milateri ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed?

Dhoolatuska weyn ayaa waxa uu bilaaban doonaa 11 Agoosto, waxaana bilowday diyaargarow aanan sidaas u buurnayn.

Dhoolatuska ayaa badana lagu hagaa kumbuyuutarrada aad ayeyna uga hooseeyaan kuwii hore ee ay wada sameyn jireen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo ay Waqooyigu u arki jirtay inay daandaansi yihiin.

Todobaadyadii la soo dhaafay, Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay tijaabisay wax saraakiisha Koonfurta ay ku sheegeen inay u muuqdeen nooc cusub oo gantaallada ridada gaaban ah, iyadoo midkii hore la tijaabiyay Talaadadii.

Gantaallada ayaa waxaa la ganay 25 July – kuwaas oo mid ka mid ah uu jaray ku dhawaad 690 km – waxa ayna ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee ay Kuuriyada Waqooyi riddo tan iyo markii Mr Trump iyo Mr Kim ay yeesheen kulan aanan la sii diyaarin oo bishii Juun ka dhacay dhulka milateriga ka caaggan ee kala qeybiya labada Kuuriya.