Home WARARKA MAANTA Kulankii Farmaajo Iyo Madaxweynaha Dhex maray Waxa uu ka yidhi Madaxweyne Muuse...

Kulankii Farmaajo Iyo Madaxweynaha Dhex maray Waxa uu ka yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

0
147

“Runtii Raysal wasaaraha Ethopia waxa uu xukumaa Dalka Ugu Dadka Badan Africa,Waa nin Helay Abaalmarinta Nopel Peace Press ka isagoo madax African ah,Salaam Iyo Kaftan ka bacdi waxa uu sheegay in madaxweynuhu Somalia Farmaajo uu Soo Gelayo Halkan.

Intaas kaddib waxanu Halkaas ku galnay Shir saddexdayadu aanan Filayn,Muddo Yar ayaanu joognay Wixii lagu wada hadlay waxa uu yidhi abiy Axmed Waxaan diyaar u ahay arinta Somalia Iyo Somaliland way raagtay waanan galayaa.

Intaas kaddib waanu aqbalnay labadayaduba wax faah faahin oo intaas ka dheerna maanan Galin Intaad ayaanu ku kala Nimi,waxaanaanu nidhi labadayada dhinacba aanu diyaar garowno.

Waxa kale oo Nala Soo xidhiidhay Madaxweynaha Jabuuti Oo yidhi Ana arintaa waan Soo helayaa Waxaan yidhi waanu ogolnahay gartayaduna way noo duuban Tahay.

13 Feb Madaxweynaha Somalia we Hadda jooga ayaa Waxa uu bixiyey Raali Galin Ku saabsan wixii ka dhacday Somaliland 83 kii,marka laga reebo qodobka ah In kuwii Hubka qaatay Waan Soo dhaweynayaa Raali galinta.

Hadal haynta kale ee ah Hargeisa Ayaan imanayaa iyo Raali Galin baan bixinayaa Waa laba aan is qaban Waxa aanu ka odhanaynana dib ayaanu ka sheegaynaa”

Share

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com