Kooxo hubeysan oo Xaley Dil ka geystay Muqdisho

0
208

Dabley ku hubeysaneed Bastoolado ayaa xaley waxa ay labo Ruux oo Shacab ah ku dileen Degmada Dharkenley ee Gobolka banaadir.


Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in Labada ruux lagu dilay agagaarka Daarta Xaaji gaabow ee degmada dharkenley,waxaana la tilmaamay iney Shaheen ganacsato ka mid ah dadka Deegaanka.

Kooxihii Dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen.

Waxaana goobta uu dilka ka dhacay Gaaray ciidamo katirsan dowladda soomaaliya,iyagoona halkaasi howlgal Kooban ka sameeyay wallow aysan cidna dilkaasi u soo qabanin.