Kooxda Macaawisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-shabaab

0
175

Dagalkaas ayaa waxaa Kooxda la magac baxday Macawiisleyda iyo ururka Al-Shabaab waxa uu xalay ku dhexmaray deegaano koostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Rag hubeysan oo  ka tirsan Kooxda Macawiisleyda ay weerareen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday oo dhaliyey khasaaro laba dhinac ah.

Maleeshiyada Macawiisley ayaa ah  Shacab is aruusaday, kuwaas oo sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibaatooyin ay kala kulmeen Al-Shabaab, waxaana ay inta badan Al-Shabaab kula dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkii xalay waxaa Kooxda la magac baxday Macawiisleyda iyo ururka Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab.