Kismaayo:Kooxo hubeysan oo weerartey hotel

0
262

Wararka inaga soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in dagaalamayaal katirsan ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hotelka Cas-caseey, oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, ka hor inta aysan rag bubeysan gudaha u galin,sida goob jogayaal ay xaqijiyeen.

Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Hotelka ayaa waxaa degenaa, dad qurba jooga ah, iyo qaar ka mid ah murashixiinta doorashada Jubbaland,iyo Xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Weli lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka. Waxaana adag gelista qadka taleefanadda ee magaalada Kismaayo.