Kheyre oo la kulmey wasiirka arimaha dibada Ruushka

0
101

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, sida uu sheegay.

Kheyre ayaa bartiisa Facebook-gga kusoo qoray: “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.