Jubaland oo sheegtay in 18 Shabaab lagu dilay duqeyn

0
237

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan Gobbolka Jubada Dhexe lagu dilay ilaa 18 ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka ku dhintay weerarada cirka ah ayaa la sheegay in xiligii duqeynta lala beegsanayay uu shir uga socday deegaan u dhjow degmada Jilib ee Gobbolka Jubada Dhexe.

Sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland, dadka dhintay waxaa ku jiro xubno sare oo Shabaab ah. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta dhimashada xubnaha Shabaabka.

Duqeymahan ayaa saraakiishu sheegeen inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gacan siinaya ciidamada Danab ee Soomaaliya.