Jarmalka oo qorshey soo celinta soomaalida bilaa sharciga ah

0
138

Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ee aan haysan sharciga deganaanshaha dalkaasi ayaa ka walaacsan in dawladda dalkaasi ay dib u soo celiso, iyadoo gacan ka helaysa safaaradda Soomaaliya ee Baarliin.

Dadka la soo celin doono haddii qorshahani uu hirgalo ayaa ah kuwa haysta sharciga loo yaqaan “Duldung” ama sharciga Dulqaadka.

Sharcigan ayaa ah kan ugu liita ee la siiyo qofka qaxootiga ah ee dalkaasi ku sugan, iyadoo loogu talogalay in uu qofku si kumeel-gaadh ah u haysto inta laga mustaafurinayo dalkaasi. Soomaali badan ayaa haysata sharciga Duldung.

Source khaalid foodhadhi