James Swan oo kulan la qaatay Madaxda Puntland+Sawirro

0
157

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan iyo madax ka socota Beesha Caalamka ayaa kulan la qaatay Madaxda maamul Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo James Swan ayaa ka wada hadlay hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadda 2010/2021, amniga, deyn cafinta Soomaaliya, arrimaha Dastuurka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska soo qaaday sidii horumar looga gaari lahaa dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha Dalka iyo qodobbo kale.