Jamaal cali xuseen oo baaq usoo direy shacabka iyo xukumada somaliland

0
148

Jamaal cali xuseen oo baaq usoo direy shacabka iyo xukumada somaliland ayaa ayaa qoraalkan kusoo qorey baraha bulshada waxaanu yidhi.

Haddii Kabcaddii la xidhay si cudurkan faafaya dartii si looga hor tago Oo ay dawladihii Islaamku ay dhamaantood masaajidaddii xidheen si dadka loo badbaadiyo. Maxaa la gudboon dadkeena? Ma waxa la sugayaa intuu cudurku dadka gumaadayo ee uu saameyntiisa yeelanayo. Waar awood aynu Kula tacaalo Ma haynee maanta ayeey Talo joogtaaye is dhex yaaca ha la joojiyoo dadka si fiican ha loogu arimiyo oo amaro waaweyn ha la dul dhigo. Ilaahay inagoo kaashanayna ayeey hadana waajib tahay in ka hortag iyo badbaado la sameeyo. Waar hooy yaan cudurkan la yaraysan Ilaahay baa wax ilaaliyee culumo iyo dawladba maanta go’aan ay dadkooda ku badbaadiyaan baa horyaal

Qore jamaal ali xuseen