Israel oo Weeraro iyo duqeyn ku sameysay Gaza oo geystey dhimasho iyo dhaawac

0
240

Tirada dhimashada ayaa gaartay shan shan weeraradii socda ee Israel ka geysatey marinka Gaza maalintii Talaadada, iyadoo ciidamada Israail ay daabaceen khariidad meelaha ay ku dhufteen gantaalada Falastiin gudaha Israel.

kooxaha caafimaad ee Falastiiniyiin ah ayaa tirada dhaawaca ka dhigeysa 30.

Tirooyin hore ayaa sheegay in afar Falastiiniyiin ah lagu dilay 25 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israel.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa hogaamiyaha Jihaad Bahaa Abu al-Atta iyo xaaskiisa, kuwaas oo lagu dilay weerar lagu qaaday guriga Abu al-Ata ee bariga Gaza.

wariyayaasha Gaza waxay soo wariyeen in qof reer Falastiin ah la dilay laba kalena la dhaawacay ka dib markii weerar lala beegsaday tiro dad ah oo ku sugnaa magaalada Beit Lahia ee waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in weeraradu ay bartilmaameedsadeen “laba qaybood oo ah nidaamka gantaallada ridda dheer ee Jabhadda Islaamiga ah ee waqooyiga Qaza. Duqeynta ayaa loo fuliyay si looga saaro khatar deg deg ah.”

Markii dambe, nin Falastiiniyiin ah ayaa ladilay saddex kalena waa la dhaawacay, ka dib markii ay soo cusboonaadeen weerarro ka dhacay magaalada Beit Lahia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta “Wafa”.
Tirada dhimashada ayaa gaartay shan, shan weeraradii socda ee Israel ka geysatey marinka Gaza maalintii Talaadada, iyadoo ciidamada Israail ay daabaceen khariidad meelaha ay ku dhufteen gantaalada Falastiin gudaha Israel.