Isku dey dhicisoobey oo ka dhacey dawlad degaanka Soomaalida

0
171

Isku-day-afgembi oo la doonayay in toddobaadkii hore xilka lagaga tuuro madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida dalka Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa la sheegay in uu fashil ku dhammaaday.

Arrintan ayaa galaafatay mas’uuliyiin afar ah oo ka tirsanaa maamulka madaxweyne Mustafe Cagjar.

Cagjar ayaa xilka ka qaaday:

1- Cabdicaadil Xasan, hoggaankii nabadgelyada maamulka deegaanka Soomaalida
2- Ilyaas, Madaxii Sirdoonka Deegaanka Soomaalida
3- Maareeyihii Kuliyadda Waxbarashada Macallimiinta, Cabdillaahi Gisinle
4- Cabdiqaadir Bisle, madaxii hab-maamuuska Madaxweynaha DDS.

Waxaa xusid mudan in xabsiga loo taxaabey qaar kamid ah ragga xilka laga qaaday, halka ay jiraan kuwo kale oo iyagana arrintan loo tuhunsan yahay.

Source khaalid foodhadhi