In ka badan 90% arrimaha wadahadalka biyo-xireenka Nile waa la xaliyay, Madaxa AU ayaa yiri sidaa

0
74

In ka badan 90% arrimaha wadahadallada saddex geesoodka ah ee ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Niil ee u dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa la xalliyay, sidaa waxaa lagu sheegay bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat sabtidii.

Midowga Afrika wuxuu heystaa labo toddobaad inuu gacan ka geysto dillaaliinta heshiis si loo soo afjaro muran toban sano qaatay oo ku saabsan bixinta biyaha.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddi ka kooban wakiilo ka socda saddexda dal, Koonfur Afrika iyo shaqaale farsamo oo ka socda Midowga Afrika ay ka shaqeyn doonaan xalinta arrimaha sharciga iyo farsamada.

Gudiga ayaa soo saari doona warbixin kusaabsan horumarka gorgortanka todobaad gudihiis.