HUBKA CASRIGA AH EE AY DALIBAAN HESHAY, ARAGTIDOODA XUQUUQDA AADANAHA IYO TRUMP OO KU BAAQAY IN BIDEN UU IS CASILO=====

0
64

Ururka Daalibaan ayaa la xaqiijiyey in uu maalmihii u dambeeyey gacanta ku dhigay hub aad u badan oo casriya, kaddib markii uu la wareegay xarumihii kaydka hubka ee ay ka yaaceen ciidamadii dalka Afqaanistaan.Hubkaas oo ah Nooca Maraykanku sameeyo waxaa ku jira diyaaradaha milateriga ee qummaatiga u kaca oo Black Hawk ka mid tahay, gaadiidka gaashaaman iyo buudhiyo xambaarsan gantaalo aad u tayo sarreeya.

Dhinaca kalana, ururka Daalibaan ayaa bilaabay baaqyo uu beesha caalamka iyo muwaadiniintaba kaga dejinayso walaaca amni iyo maamul ee mustaqbalka, isaga oo caddeeyey in ay wadaan qorshe lagu soo dhisayo xukuumad loo dhan yahay.

Waxa aanu ururku dagaalyahannadiisa faray in aanay cid dhibaato gaadhsiin karin.Afhayeen u hadlay Daalibaan oo lagu magacaabo Muxamed Naciim Infitaax ayaa talefishanka Aljazeera u sheegay in ay ixtiraamayaan xuquuqda Haweenka, dadka laga tgirada badan yahay, iyo xorriyadda hadalka si waafaqsan shareecada Islaamka.

Waxa aanu hoosta ka xariiqay in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay dhulka Afqaanistaan ka dhigato meel cid kale laga weeraro, diyaarna aanay u ahayn faragelinta dhinacyo kale sida aanay u ogolayn in iyaga dalkooda la soo farageliyo.

Dhinaca Maraykankana madaxweynaha dalkaas ayaa ururka Daalibaan uga digay, haddii cid ciidamadiisa ku hadhay Afqaanistaan ka mid ah ay dhibaateeyeen in Maraykanku cudud milateri kaga jawaabi doono. Waxaa weli Kabul jooga ciidamo Maraykan ah oo ka shaqaynaya ammaanka dadka Maraykanka ah iyo shisheeyaha kale ee dalka laga daadguraynayo.

Laakiin madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa guusha Daalibaan ku tilmaamay mid ka mid ah jababkii ugu waaweynaa ee soo gaadha dalka Maraykanka, waxa aanu madaxweyne Biden ugu baaqay in uu is casilo.