Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Degmo Ka Tirsan G/Banaadir

0
207

Beegsonews-Waxaa Xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay Xaafado bartilmaameed u ahaa,isla markaana waxaa kusoo qab qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayaa waxaa Ciidanada ay baaritaano kala duwan ku sameenayeen Guryo ku yaalla Xaafadaha howlgalka la sameeyay,waxaana dadkii ay kusoo qabteen halkaasi qaarkood la sii daayay,halka kuwo kalena horey ay u wateen Ciidamada.

Ujeedka howlgalka xalay laga sameeyay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid amniga Degmooyinka Gobolka lagu xaqiijinayo oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amniga lid ku ah.