Home WARARKA MAANTA Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Eritrea Iyo South Sudan Oo Maanta Yeeshay Kulan Saddex-Geesood Ah.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Eritrea Iyo South Sudan Oo Maanta Yeeshay Kulan Saddex-Geesood Ah.

0
170

Madaxweynaha Eritrea, Isiaias Efewerki iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay maanta si wadajir ah kaga degteen Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka South Sudan ee Jubba, halkaasi oo ay Kulan 3 geesood ah kula yeesheen Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir.

Hoggaamiyayaashaasi oo Kulan 3-geesood ah ku yeeshay magaalladda Jubba, waxay ka wada hadleen Ammaanka Gobalka, Xiriirka Dhaqaalaha, Horumarinta Kaabayaasha iyo inay Iskashi iyo Wada-shaqeyn yeeshaan dalalkaasi.

Kulanka ay Madaxda Ethiopia, Eritrea iyo South Sudan maanta yeesheen  waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, marki ay Hoggaamiyayaasha dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Kenya kulan 3-geesood ah ku yeesheen caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, kuna heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Arrimaha Gobalka.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com