Haween kula Tartamaysa ilahan cumar doorashada mareykan oo dhaliishey ilahan cumar

0
166

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in Ilhan Cumar ay kula tartanto doorashada Mareykanka, gaar ahaan Minesota oo ah halka Ilhan laga soo doorto.

“Sababta igu dhalisay in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar aysan ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tidhi Dalia Al-Aqidi oo la hadleysay telefishenka Fox News ee dalka Mareykanka.

Haweeneydan oo ah saxafiyad hore uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq.

Ilhan Cumar oo ah gabadh Soomaaliyad ah, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump, Doorashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Nofembar ee sanadkan2020-ka,

Xigasho wariye ahmed kaafi