Hargeysa: Xafad Go’doonsaneyd oo Wado Baneyn loo Sameeyay

0
101

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa banaysay wadada guryaha laynka Booliska oo muddo xidhnaa.

Dhawaan ayay ahayd markii guri ku yaala halkaasi uu dab ka kacay isla markaasina ay ciidanka dab-demisku waayeen meel ay usoo maraan halkaana ku nafwayeen laba caruur ah.

Haddaba waxaa shalay lagu baneeyay hawlgal uu hoggaaminayay duqa caasimada iyo ciidamada booliska oo iskaashanaya.

Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa mudane Khadar Xuseen ayaa sheegay in xaafadani ay go’doon ahayd isla markaana ay afarta jahaba ka xidhnayd. “Waxaanu baneynayn maanta oo aanu afar albaab u sameynay xaafada laynka Bileyska oo afarta jahaba ka xidhneyd.

Waxaa hawshani nala fududeeyay ciidamada ammaanka iyo dadweynaha xaafadani degan oo in aanu albaabadan banneyno gacan naga siiyay.

Xaafadaha magaalada Hargeysa ee meel loo maro la-laayahay waanu hagaajinayna, waxaa aanu dadweynaha ka codsanayna in shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidamada Booliskaba ay garab siiyaan.

Xaafadani marka hore waa ay dhibaateyneyd oo iskuulkaa ka soo horjeeda umu talaabi kareyn, waddooyinkan la baneeyayn waxaa iska kaashanaya ciidamada booliska iyo dawladda hoose ee Hargeysa, goobtani waa xaruntii laynka bileyska qorshe rasmi ah ayaanu ka yeelanaynaa, albaabadaasina waxaa lagu sameynayaa Gajeelo ah ayaanu ka dhigi doona haddii ILLAAHEY yidhaaho dadkuna waa ay mari doonaan”

Taliyaha qaybta  galbeedka ee caasimada Hargeysa oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in afar albaab oo xaafadani laga soo geli karo ay u baneeyeen waxaanu yidhi.  “Halkan xaafada laynka bileyska waxaa aanu ka baneynay afar kadin, hawshaasina waxa ay ku dhammaatay si nabadgelyo ah waxa aanu ku wargelinayna cidkasta dadka gaadiidleyda ah ee doonaya in ay baarkino ka dhigtaan in aanay soo geli karin”